Dad Shacab ah oo lagu xasuuqay gobolka Daarfoor ee dalka Suudaan.

Sunday July 26, 2020 - 08:25:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Shacab ah oo lagu xasuuqay gobolka Daarfoor ee dalka Suudaan.

    labataameeyo qof oo shacab ah ayaa lagu dilay weerar cusub oo ka dhacay gobolka Daarfoor ee dhaca galbeedka wadanka Suudaan taas oo ka dhigan in dhimashadii ugu badneed oo ka dhacda gobolkan muddo sanada ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

labataameeyo qof oo shacab ah ayaa lagu dilay weerar cusub oo ka dhacay gobolka Daarfoor ee dhaca galbeedka wadanka Suudaan taas oo ka dhigan in dhimashadii ugu badneed oo ka dhacda gobolkan muddo sanada ah.



Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubaysan ay ugu yaraan 25 qof qof ku dileen tuulada Abuu Dawaas ee katirsan wilaayada Koonfurta Daarfoor sida uu wakaaladaha wararka u xaqiijiyay Ibraahiim Axmed oo ah guddoomiyaha tuulada uu weerarku ka dhacay.

Isagoo hadlayay ayuu yiri " kooxo hubaysan ayaa toogasho ku bilaabay dad beeralay ah islamarkii ay soo gaareen beerihii ay ku lahaayeen tuugada waxaana weerarkaas ku dhintay ugu yaraan 20 qof oo ay kamid yihiin laba haween ah iyo carruur halka dadka dhaawacmay ay 20 gaarayaan".



Wararka ayaa intaas ku daraya in xasuuqan uu imaanayo laba bilood kadib markii ay xukuumadda dabadhilifka Suudaan shir ku qabatay Daarfoor laguna heshiiyay in dadka beeralayda ah ee asal ahaan aan carabta aheyn ay dib ugu laaban karaan dhulal beereedkooda islamarkaana xoola dhaqatada carabta ah ay ka baxaan dhulalka ay ka xoogeen dadka asalkoodu afrikaanta yahay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in kooxaha dil wadareedka geystay ay wateen gaadiid Tiknika ah oo ay ku xiranyihiin boobayaasha dhashiikayaasha loo yaqaan, dadka beeralayda ah ayay hareereeyeen kadibna rasaas ayay afarta jiho uga fureen taas oo ka dhigan in weerarkan uu ahaa mid salka ku hayo hanaan hayb sooc iyo dhulboob ku dhisan.

Tuulada xasuuqu ka dhacay ee Abuu Dawaas ayaa qiyaastii 90 KM ujirta magaalada xarunta u ah gobolka ee Nayaalah, dagaal ahli ah ayaa sanaddii 2003 ka bilaawday gobolka Daarfoor waxaana dagaalkaas ku dhintay 300 oo kun oo ruux halka 2.5 malyan ay ku barakaceen.

Dagaalladii Daarfoor ayaa udhaxeeyay ciidamo daacad u ahaa Jeneraal Cumar Xasan Al Bashiir iyo maleeshiyaad kasoo jeeda qabiillada aqaliyaadka ku ah gobolkaasi waxaana gummaadka ugu daran geystay maleeshiyaadka Janjawiidka ee xukuumadda Suudaan daacadda u ahaa.

Related Items