Dowladda Kuuriyada Waqooyi oo laga helay Kiiskii ugu horreeyay ee Carona Virus.

Sunday July 26, 2020 - 08:51:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kuuriyada Waqooyi oo laga helay Kiiskii ugu horreeyay ee Carona Virus.

    Markii ugu horraysay ayaa wadanka Kuuriyada waqooyi laga helay cudurka halista ah ee Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay ayaa wadanka Kuuriyada waqooyi laga helay cudurka halista ah ee Carona Virus.



Wakaaladda wararka ufaafisa Kuuriyada waqooyi ayaa sheegtay in xaalad degdeg ah oo adag lagusoo rogay wadanka oo idil kadib markii hal qof laga helay caabuqa Covid19.

Dowladdan shuuciyadda ah ayaa cudurka Carona Virus ku tilmaamtay mid dhagar badan waxayna ku hanjabtay in ay si adag ula tacaamuli doonto.

Kim Jong-un oo ah madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi ayaa u sheegay wakaaladda wararka wadankaas in laxiray dhammaan xuduudaha islamarkaana xaalad go'doon ah lageliyay degmada Kaaysong ee kaabiga ku haysa xuduudda Kuuriyada Koonfureed.



Bishii lasoo dhaagay ayay xukuumadda Pyongyang ku faantay in wadankeeda uusan ka jirin Carona Virus balse qofkan cudurka laga helay ayaa la sheegay in uu kasoo tallaabay xuduudda Kuuriyada Koonfureed waxaa xusid mudan in dhammaan dalalka dariska la ah waqooyiga Kuuriya uu gummaad daran ka geystay caabuqa safmarka Covid19.

Related Items