Mareykanka oo dhaleeceeyay tallaabadii Kheyre lagu riday Hanjabaadna kululna jeediyay.

Sunday July 26, 2020 - 09:08:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo dhaleeceeyay tallaabadii Kheyre lagu riday Hanjabaadna kululna jeediyay.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in tallaab adag laga qaadi doono wax ay ugu yeertay kuwa qaska siyaasadeed ka wada dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in tallaab adag laga qaadi doono wax ay ugu yeertay kuwa qaska siyaasadeed ka wada dalka Soomaaliya.


Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa qoraal ay xalay soo saartay si kulul ugu cambaaraysay tallaabadii uu baarlamaanka DF-ka ku Eryay Xasan Cali Kheyre.

Mareykanku wuxuu sheegay in uu kasoo horjeedo wixii shalay ka dhacay xarunta baarlamaanka ee magaalada Muqdisho isagoona hanjabaad dadban ujeediyay Farmaajo iyo hoggaamiyaasha kale ee waqti kororsiga doonaya.

"Waxaan tallaabo ka qaadi doonaa kuwa wax burburiya oo doonaya in ay carqaladeeyaan horumarka iyo xasiloonida,dowladnimo loo dhan yahay iyo horumarka. Ma dooneyno in Soomaaliya ay waddo qaldan raacdo,Maraykanku waxa uu marwalba garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaamiyaasha danta dalkooda ka hormariya tooda gaarka ah" ayaa lagu yiri warka Mareykanka kasoo baxay.


Xukuumadda Washington ayaa adkaysay in ay gacan ka geysan doonto sidii loo qaban lahaa doorasho ku dhacda waqtigii loogu talagalay waxayna kasoo horjeesatay in waqti kororsi uu sameeyo Farmaajo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items