Taliyaha Booliska Sh/hoose oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho.

Monday July 27, 2020 - 12:51:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Booliska Sh/hoose oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara dhaliyay oo saaka ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara dhaliyay oo saaka ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax miino lala helay gaari uu la socday taliyaha ciidamada Booliska gobolka Sh/hoose ninka lagu magacaabo Ibraahim Biyamaaloow.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in qaraxa uu dhaawac kasoo gaaray taliyaha booliska Sh/hoose iyo laba askari oo ilaala u ahaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa uu ku burburay gaari dagaal oo uu watay mas'uulka weerarka lagu qaaday, ma ahan markii ugu horraysay oo duleedka Muqdisho qarax lagula beegsado sarkaal katirsan DF-ka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items