Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Qaraxyo ka dhacay Kismaayo iyo duleedka Boosaaso.

Monday July 27, 2020 - 13:20:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Qaraxyo ka dhacay Kismaayo iyo duleedka Boosaaso.

    Weeraro khasaara dhaliyay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollo dhaca Koonfurta iyo waqooyi bari dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamada Al Shabaab
Weeraro khasaara dhaliyay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollo dhaca Koonfurta iyo waqooyi bari dalka Soomaaliya.


Xoogaga Al Shabaab ayaa weerar ay ka fuliyeen wadada xiriirisa magaalada Boosaaso iyo deegaanka Galgala ee gobolka Bari waxay ku dileen ciidamo katirsan maamulka 'Puntland.

Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay qarax lala helay gaari ay wateen ciidamada maamulka Saciid Deni, ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in qarax miino lala helay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen maleeshiyaad ilaala u ahaa shirkadda Saarasan ee dhanka amniga kala shaqeysa maamulka Puntland.


Qaraxa ayaa si daran uburburiyay gaari Cabdi bile ah oo qeyb ka ahaa kolonyada weerarka lakulantay.

Dhinaca kale qarax xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose ayaa dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Ciidamo ku sugnaa isku imaatin kuyaal xaafadda Via Afmadoow ayaa qarax lagu weeraray waxaana weerarka ku dhintay hal askari iyadoona askari kale uu ku dhaawacmay.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda weeraradan ka dhacay gobollada Bari iyo Sh/hoose sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items