Haddaba bal aynu maanta soo qaadanno qabiilku waxa uu yahay
iyo sida la inooga baahan yahay in aynu u isticmaalno, akhristow qabiilka ama
haybta qofku waa baadi-sooc uu kaga duwan yahay dadka kale (Identity).
Sida
qabiilka loo isticmaalayo waxa inagaga filan inta ay diinteenna qayimka ahi ka
sheegtay, waa wax la isku garto la iskuna xidhiidhiyo. Nasiib darro dad baa laba
wax isku qalda, qofka oo la sheego haybtiisu ceeb ma aha, tusaale ahaan; hebel
waa reer qudhac kana sii ah reer qansax. Taasi ceeb ma aha ee waxa ceeb ah in
aad reer qudhac mooddo wax samada kasoo dhacey oo aysan jirin cid lamid ahi,
qabyaaladduna waa inaad ku sed bursato reer hebelnimo waxna ku mucaariddo adiga
oo aan xaq u lahayn. Qabiilka aad xaqdarrada ugu doodeysaa kuma abuurin kumana
quudiyo hadhowna u noqon meysid markaa haddii aad intaas yaqiinsan tahay ha
iska xumayn meesha aad ku xidhmeyso. Qabiil iyo tol berri haddii ay wax dhacaan
kuu soo baahanaya oo tamar ku soo bidaya waxba badan ugama baahnid, uma baahnid
tolweyne aad gardarro ku raacdo ee waxa aad u baahan tahay allaha sida fiican
kuu khalqay ee aan isagu waxba kaaga baahnayn inaad amarkiisa addeecdo oo sidii
uu qabiilka ugu talo galey u isticmaashid.
Dadka
soomaaliyeed marka faankooda laga yimaaddo waxa ay si gardarro ah u hayb
soocaan qayb iyaga kamid ah. Maalin sabti ah wiil baa usoo kallahay waxbarasho,
waxa uu dhiganayay fasalka toddobaad ee dugsiga dhexe. Wiilku waxa uu ahaa
dadka waxbarashada ku fiican hase ahaatee maalin yaableh ayey u ahayd
maalintaasi, markii uu fasalka soo galey waxa sabuuradda loogu sii qorey far
waaweyn "MIDGAANKA FASALKA DHIGTAA WAA KUMA?”.
Wiilkii
waa uu naxay oo markii uu fadhiistey kursigiisii ayuu xagga dambe eegay mise
waa galaaskii oo dhan oo wada qoslaya, waa uu argagaxay kadibna labadii inan ee
la fadhiyey ayuu weydiiyey yaa ku qorey sabuuradda waxan? Iyagna waxa ay ugu
jawaabeen hadhow baanu kuu sheegi doonnaa marka la baxo!
Show
waa ciyaal loogu hanjabey in haddii ay sheegaan la dili doono. Waxa ay meesha
ku fadhiistaan saddexda ugu yaryar fasalka. Wiilkani waa beelaha la hayb sooco
balse weligii xan mooyaane sidan oo kale uma arkin dad ku caaya haybtiisa. Iyadoo
sidii la yahay ayuu macalinkii fasalku soo galey kolkaasuu arkey wixii meesha
ku qornaa. Ilaahay amarkii wiilkii yaraa oo weli naxsan isna aanu waxba ka
ogayn ayuu kiciyey, wuxu ogaa in wiilkaasi yahay kan fasalka ugu xariifsan
markaasuu weydiiyey intii meesha lagu qorey "WAA KUMA MIDGAANKA FASALKA
DHIGTAA?”.
Wiilkii
yaraa buugaagtiisii buu qaatey dibna waxbarasho uguma noqon, hore waalidkii
waxa ay ugu sheegi jireen in aanu dadkan waxba ku ag baran karin ee uu iska
shaqaysto balse maalintii mashaqadaasi ku dhacdey ayuu meheraddii aabihii tagey
oo furayaashii kala wareegay sidiina uu waalidkii ugu shaqayn jirey. Mar dambe ayuu macalinkii ogaadey wiilkii iyo
dhagartii ay ardayda qaar kamid ahi soo maleegeen, wiilkii buu u tagey oo
saamaxaad ka dalbadey iyo in uu dugsigii ku soo laabto, wiilkiina waa uu
saamaxay hase ahaatee dib iskuulkii uguma noqon!.
Reerka
aad ka dhalatey, waalidkaa iyo sida quruxda badan ee alle kuu abuurey dadka ha
ugu faanin sababtoo ah adigu ma aanad dooran ee ilaahay baa kuu doorey. Dadka
akhlaaq wanaagsan kula dhaqan maxaa yeelay nebiga waxa loo soo saarey inuu
dhameystiro akhlaaqda teeda wanaagsan.
Wabillaahi Tawfiiq
W/Q: Wadaadyare Xaashi
Haybta maxaa looga baahan yahay? W/Q: Wadaadyare Xaashi.
Asalkaba aadanaha hab fekerkiisu wuxuu saamayn weyn ku leeyahay hab-dhaqankiisa. Haddii qofku rumeysan yahay in aanu waxba noqon karin waxba ma noqdo.