Taliyihii Booliska degmada Hodon oo ladilay iyo Xerada Asluubta oo weerar lagu qaaday.

Monday July 27, 2020 - 18:06:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Booliska degmada Hodon oo ladilay iyo Xerada Asluubta oo weerar lagu qaaday.

    Dagaalyahanno katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro khasaara dhaliyay ka fuliyay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahanno katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro khasaara dhaliyay ka fuliyay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Xoogag katirsan Al Shabaab ayaa maanta gelinkii dambe bartamaha Muqdisho ku dilay Col.Fayte oo ahaa taliyaha booliska degmada Hodon ee maamulka gobolka Banaadir.

"Mujaahidiinta ayaa Muqdisho ku dilay taliyihii murtadiinta ugu magacaawnaa degmada Hodon" ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Dhinaca kale weerar madaafiic ah ayaa lagu qaaday xerada Asluubta ee isla degmada Hodon, warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in xilligii duqeyntu dhacaysay ay saldhigga ku sugnaayeen saraakiil ka socday dowladda Turkiga balse lama oga khasaaraha ka dhashay.


Xoogaga Jihaadiga Al Shabaab ayaa bishan gudaheeda sare uqaaday weerarada ay ka fulinayaan inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items