Dowladda Sweden oo dhaleecaysay tallaabadii lagu Eryay Xasan Cali Kheyre.

Tuesday July 28, 2020 - 11:45:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sweden oo dhaleecaysay tallaabadii lagu Eryay Xasan Cali Kheyre.

    Waxaa isisoo taraya diidmada iyo cambaaraymaha ka imaanaya dowladaha reergalbeedka ee ku aaddan tallaabadii lagu eryay Xasan Cali Kheyre R/wasaarihii hore ee dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa isisoo taraya diidmada iyo cambaaraymaha ka imaanaya dowladaha reergalbeedka ee ku aaddan tallaabadii lagu eryay Xasan Cali Kheyre R/wasaarihii hore ee dowladda Federaalka.


Dowladaha reergalbeedka ayaa badankood dhaleeceeyay tallaabadii Farmaajo iyo guddoomiyaha baarlamaanka ay ku eryeen Kheyre.

Dowladda Sweden oo kamid ah dowladaha Yurub ee dhaqaalaha xooggan ku bixiya duullaanka ciidamada shisheeye ay kusoo qaadeen Soomaaliya ayaa arrinkan si kulul udhaleecaysay.

Ann Linde oo ah haweenayda hoggaamisa wasaaradda arrimaha Sweden ayaa xadgudub siyaasadeed ku tilmaamtay go'aankii ay xildhibaannada baarlamaanka ku eryeen Xasan Cali Kheyre.


"Sweden waxay wel-welka la wadaageysaa Midowga Yurub, isbeddeladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Soomaaliya. Waxay muhimaddu tahay wadahadal loo dhan yahay in uu sii socdo laguna taagnaado heshiiskii Dhuusamareeb”ayay tiri qoraal kooban oo barteeda Twitterka soo dhigtay.

Ururka Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa horay usoo saaray bayaanno ay ugu hanjabayaan dowladda Federaalka, xukuumadda Washington ayaa jawaab celintii ay ka bixisay eryiddii Kheyre hanjabaad ugu jeedisay Farmaajo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items