Ciidanka Mareykanka oo ku kacay fal lamid dilkii George Floyd

Tuesday July 28, 2020 - 11:57:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Mareykanka oo ku kacay fal lamid dilkii George Floyd

    Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in markale ay ciidamada American-ka si xun ugu xadgudbeen qof kasoo jeeda dadka madoowga ah ee lagatirada badanyahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in markale ay ciidamada American-ka si xun ugu xadgudbeen qof kasoo jeeda dadka madoowga ah ee lagatirada badanyahay.


Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaal muujinayay ciidamada melleteriga Mareykanka oo ku xadgudbaya gabar dhallinyara ah xilli ay sugneed magaalada Portland ee gobolka Oregon waxayna ku qeylinaysay "ma awoodo in aan neefsado " xilli ay ku hoos jirtay jilbaha askarta.

Video-yada ayaa lagu arkayaa gabadha oo dhiigaysa oo ciidamada Americanka ay dhabarka uga fadhiyaan islamarkaana qoorta ul uga hayaan waxayna isku dayaysay in ay iska caabin sameyso balse si xun ayaa loo garaacayay.



Baraha bulshada ayaa si aad ah loogu faafiyay muuqaallo kale oo muujinaya ciidamada Federaaliga ah oo dad dibad baxyo dhigaya ku xadgudbaya magaalooyinka Ookland,Loos Anjalis iyo siyaatal.

Ciidamada Mareykanka ayaa wariyaashii tabinayay dibad baxyada ugu hanjabay in ay rasaas u adeegsan doonaan haddii ay joojin waayaan buun buuninta rabshadaha wadankaasi kasii socda.

Hab-dhaqanka cusub ee ciidamada Mareykanka ay kula kaceen haweenyadan madoowga ah ayaa dadka American-ka ah soo xusuusisay dilkii bilo ka hor magaalada Minyaabulis loogu geystay George Floyd oo ahaa nin madoow waxaana arrinkaas ka dhashay dibadbaxyo rabshado wata oo wali ka socda inta badan magaalooyinka Mareykanka

Related Items