Weerar khasaara dhaliyay oo ciidamo katirsan 'Koonfur galbeed' lagula beegsaday gobolka Bay.

Tuesday July 28, 2020 - 12:09:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Weerar khasaara dhaliyay oo ciidamo katirsan 'Koonfur galbeed' lagula beegsaday gobolka Bay.

    Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya weerar dhabaggal ah oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Baay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya weerar dhabaggal ah oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Baay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa deegaanka Goofguduud iyo degmada Bardaale ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay weerar jidgal ah oo lala beegsaay ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed.

Wariye ku sugan gobolka Baay ayaa soo sheegay in weerarka oo markii dambe isku bedelay iska hor'imaad lagu dilay hal askari oo katirsan ciidamada maamulka Laftagareen islamarkaana mid kale lagu dhaawacay.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa markii ay weerarka fuliyeen kadib dib uga gurtay halkii lagu dagaallamay, weerarada dhabbagalka ah ee lagu beegsado ciidamada Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka la shaqeeya ayaa ka dhaca inta badan degaannada gobollada Bay iyo Bakool.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items