'Beesha Caalamka' oo hanjabaad cusub ujeedisay dowladda Farmaajo.

Tuesday July 28, 2020 - 16:38:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'Beesha Caalamka' oo hanjabaad cusub ujeedisay dowladda Farmaajo.

    Qoraal wadajir ah oo kasoo baxay waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa ayay si kulul ugu dhaleeceeyeen dowladda uu madaxda ka yahay Max'med Cabdullaahi Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal wadajir ah oo kasoo baxay waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa ayay si kulul ugu dhaleeceeyeen dowladda uu madaxda ka yahay Max'med Cabdullaahi Farmaajo.


'Beesha Caalamka' ayaa sheegtay in marnaba aysan aqbali doonin in doorasho haldhinac ah ay Soomaaliya ka dhacdo islamarkaana dib loogu dhigo doorashada.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladaha reergalbeedka iyo Ururada taageera gummeysiga lagu haayo dalka Soomaaliya ayaa si toos ah hanjabaad loogu diray dowladda Farmaajo.

"Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda. In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.


Tan iyo markii Farmaajo iyo Max'med Mursal ay eryeen Xasan Cali Kheyre ayay sii kordhayeen cambaaraymaha iyo goodiska ka imaanaya dowladaha shisheeye ee taban taabiya maamullada dabadhilifyada ah ee ka jira dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items