AFRICOM oo qiratay in dad Shacab ah ay ku dishay duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada dhexe.

Wednesday July 29, 2020 - 08:38:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    AFRICOM oo qiratay in dad Shacab ah ay ku dishay duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada dhexe.

    Taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa markale qirtay in dad shacab ah ay ku dileen duqeyn ka dhacday Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa markale qirtay in dad shacab ah ay ku dileen duqeyn ka dhacday Koonfurta dalka Soomaaliya.


Warbixin kasoo baxday taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika ayuu ku sheegay in duqeyn ka dhacday duleedka degmada Jilib 2 Feberaayo 2020 ay ku dileen qof rayid ah islamarkaana ay ku dhaawacmeen sedax kale.

"Nasiib darro waxaan rumeysanahay in howlgaladeena uu ka dhashay dhimashada hal ruux oo rayid ah iyo saddex dhaawac ah kuwaas oo aan ahayn yoolka aan lahayn.”ayuu yiri taliyaha ciidamada AFRICOM Gen. Stephen Townsend.


Taliska ciidanka Mareykanka oo isku dayaya in uu qiil uyeelo gummaadka uu ka wado dalka Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay iska ilaalin doonaan waxyeelaynta shacabka ayna sii wadayaan beegsashada waxa ay ugu yeereen Argagaxisada.

"Waxaan ku dadaali doonaa sidii aan uga hortagi lahayn in howlgalada lagu doonayo in lagu soo celiyo xasiloonidii iyo amnigii dalka Soomaaliya inaysan waxyeelo ka soo gaarin dadka rayidka ah" ayaa lasii raaciyay warka kasoo baxay AFRICOM.

Bilo ka hor warbixin sidaan oo kale ugasoo baxday Mareykanku ayuu ku qirtay in laba qof shacab ah uu ku dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Kuunya Barroow ee Sh/hoose.

Waxaa xusid mudan in Mareykanku uu dafiro tobanaan duqeymo xagga cirka ah oo diyaaradihiisu ay ka geysteen gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya wuxuuna gummaadka shacabka ku sheegaa in uu ku beegsaday Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items