Itoobiya oo ka digtay in dowladda Masar ay saldhig Melleteri ka furato deegaannada 'Somaliland'.

Wednesday July 29, 2020 - 13:44:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo ka digtay in dowladda Masar ay saldhig Melleteri ka furato deegaannada 'Somaliland'.

    Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa si kulul uga hadashay socdaal ay saraakiil katirsan dowladda Masar ay dhowaan ku tageen magaalada Hargeysa ee waqooyi galbeed Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa si kulul uga hadashay socdaal ay saraakiil katirsan dowladda Masar ay dhowaan ku tageen magaalada Hargeysa ee waqooyi galbeed Soomaaliya.


Itoobiya waxay sheegtay in ogtahay damaca Masar ee ah in ay saldhig melleteri ka furato dalka Soomaaliya islamarkaana ay dadaalladaas ka socdaan magaalooyinka Al Qaahira iyo Hargeysa.

Dina Mufti oo ah Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa wargeyska Nation ee kasoo baxa dalka Kenya u sheegay in saldhig Melleteri oo Masar ay ka furato deegaannada 'Somaliland' uu halis ku yahay ammaanka Itoobiya.


"Masar waa dowlad madax banaan xaq ayayna uleedahay in mashruuc cilaqaad ah ay layeelato dhinac kale laakin ma ahan in dowlad kale lagu dhibo" sidaas waxaa yiri Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in mas'uuliyiin Masaari ah ay Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha maamulka 'Somaliland' ugudbeen codsi ka yimid Cabdi Fataax Alsiisi oo ku aaddan in Masar ay saldhig ka sameysato xeebaha degmada Berbera.

Itoobiya ayaa ka walaacsan in saldhigga Masar ay ka furanayso Soomaaliya laga abaabulo weeraro xagga cirka ah oo lagu burburiyo biya xireenka Al Nahda ee Itoobiya ay ka dhisayso webiga Niil.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items