Ciidanka Yahuudda oo Xoog kugalay Masjidka Al-aqsaa iyo Masar oo Kumanaan qof Barakicisay.

Thursday October 30, 2014 - 09:22:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Yahuudda oo Xoog kugalay Masjidka Al-aqsaa iyo Masar oo Kumanaan qof Barakicisay.

    Wararka ka imaanaya dhulalka filasdiin ee Yahuuddu gumeysato ayaa sheegaya in ciidanka Yahuuddu ay xoog ku galeen masjidka barakeysan ee Al-aqsaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulalka filasdiin ee Yahuuddu gumeysato ayaa sheegaya in ciidanka Yahuuddu ay xoog ku galeen masjidka barakeysan ee Al-aqsaa.

Boqolaal katirsan ciidamada Yahuudda ayaa afaafka hote ee masjidka kula dagaalamay dhalinyaro sacbooley aan hubeysnayn kadibna waxay gudaha ugaleen masjidka.

Imaamka guud ee Masjidul aqsaa ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Yahuudu ay si rasmi ah uxireen masjidka islamarkaana ay toogteen ruux muslim filasdiini ah.

sanaddii 1967 ayay sidaan oo kale Yahuudu uxireen masjidkan oo furashadiisa qof walba oo muslim ah waajib kutahay,dhinaca kale dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday in ay xirtay macbarka Rafax islamarkaana xaalad degdeg ah kusoo rogtay magaalada Rafax ee dhacda xadbeenaadyada ay wadaagaan magaalada Qaza iyo Masar.


Waa tallaab kale oo Nidaamka Alsiisi uu ku doonayo in uu ku adkeeyo wadashaqeynta kala dhaxaysa maamulka Yahuudda ee ku dhisan ladagaalanka islaamka iyo muslimiinta.

Related Items