Mareykanka iyo dowladda Farmaajo oo sheegtay Mas'uuliyadda Carruurtii lagu xasuuqay degmada Jilib.

Thursday July 30, 2020 - 13:48:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka iyo dowladda Farmaajo oo sheegtay Mas'uuliyadda Carruurtii lagu xasuuqay degmada Jilib.

    Taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ayaa war uu soo saaray ku sheegtay mas'uuliyadda weerarkii carruurta lagu laayay ee shalay ka dhacay degmada Jilib ee Jubbada dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ayaa war uu soo saaray ku sheegtay mas'uuliyadda weerarkii carruurta lagu laayay ee shalay ka dhacay degmada Jilib ee Jubbada dhexe.


War qoraal ah oo kasoo baxay ciidanka Mareykanka Afrika ayuu ku sheegay in duqeynta ay ku dileen xubin katirsan Al Shabaab isagoo sida muuqata marmarsiimo usameynaya xasuuqii carruurta.

Mareykanku wuxuu carabaabay in ay sameynayaan baaritaanno ku aaddan khasaaraha duqeynta ka dhashay, arrinta layaabka leh ayaa ah in dowladda Federaalka ay dusha uridatay gummaadkii shalay.

Wasaaradda warfaafinta ee Maareeye uu madaxda ka yahay ayaa si cad u sheegatay mas'uuliyadda duqeyntii shalay "Duqeyntan ayaa lagu dilay hal (1) ka tiran xagjirka Alshabaab iyada oo lagu dhaawacay mid kale. Sidoo kale waxaa duqeyntan lagu burburiyey xero ciidan oo ay Alshabaab ku lahaayeen goobtaa.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda Farmaajo.


Tani waxay banaanka soo dhigaysaa dabadhilifnimada dowladda Federaalka iyo beenta AFRICOM ee ku aaddan in duqeymaha ay ka waddo Soomaaliya ay yihiin kuwa maata lays ah.

Goobta labeegsaday oo dhinacyadan cadowga ah ay ku sheegeen saldhig melleteri ayaa aheyd guri ay dad shacab ah deganyihiin waxa ay dileena waxay ahaayeen carruur isku diyaarinayay dabaal degga munaasabadda Ciiddul Adxaa

Related Items