Nin Nabinimo sheegtay oo lagu dhax dilay maxkamad kutaal dalka Pakistan.

Thursday July 30, 2020 - 14:17:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Nabinimo sheegtay oo lagu dhax dilay maxkamad kutaal dalka Pakistan.

    Booliska dowladda Pakistan ayaa xaqiijisay in wadankaas lagu dilay nin gaal ah oo nabanimo sheegtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska dowladda Pakistan ayaa xaqiijisay in wadankaas lagu dilay nin gaal ah oo nabanimo sheegtay.


Ruux muslim ah ayaa gudaha maxkamadda magaalada Bishaawar ee dalka Pakistan ku dilay nin lagu magacaabi jiray Daahir Axmed Nasiim kaasi oo sheegtay in uu Nabi yahay.

Saraakiisha booliska ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in wiil dhalinyara ah oo ku hubaysan qori AK47 ah uu rasaas ku sharnaqay Nasiim xilli maxkamad lasoo taagayay.

Ruuxa muslimka ah ee dilka geystay ayaa markii dambe isku dhiibay ciidamada Booliska isagoo ku qeylinayay "waxaan dilay mid kamida cadowga Alle".


Khaalid ayaa taageero iyo bogaadin ka helay malaayiin kamid ah shacabka muslimiinta Pakistan oo aan wax gorgortan ah ka gelin kiisaska ku aaddan ku xad gudubtay diinta islaamka.

Ninka gaaloobay ee ladilay ayaa haystay dhalashada dalka Mareykanka balse wuxuu kasoo jeeday wadanka Pakistan isagoo xubin ka ahaa Suufida gaar ahaan dariiqada loo yaqaan Axmadiyada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items