Shirkadda Hormuud oo dayactir ku samaysay Isbitaalka Banaadir.

Thursday July 30, 2020 - 19:09:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Hormuud oo dayactir ku samaysay Isbitaalka Banaadir.

    Munaasabad xarigga looga jarayay furitaanka qeyb cusub oo ay dib udhis ku sameesay shirkada hormuud ayaa lagu qabtay isbitaalka banaadir ee magaalada muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad xarigga looga jarayay furitaanka qeyb cusub oo ay dib udhis ku sameesay shirkada hormuud ayaa lagu qabtay isbitaalka banaadir ee magaalada muqdisho.


Sii hayaha xafiiska Raysal wasaaraha xukuumada Federaalka Mahdi Maxamed guuleed ayaa xarigga ka jaray, iyadoo ay wehlinayiin qaar kamid ah golihiisa waziirada

Cali sheikh yaasiin (Cali fadhaa) oo ah masuul ka tirsan shirkada hormuud ayaa ka war bixiayay heerarkii uus oo maray hirgalinta qeybtan cusub ee loogu tala galay in lagula tacaalo dadka qaba Covid19.

Shirkada hormuud oo ka duulaysa qatarta caafimaad ee uu xambaarsan yahay cudurka covid19 oo saameyn xoog leh ku yeeshay wadamo badan oo caalamka ka mid ah ayaa u istaagtay hir-galinta xarun caafimaad oo lagula tacaalayo dadka uu soo rito cudurkaasi saf-mareenka ah.

Qaybtaan cusub ayaa loo dhammaystiray dhammaan agabyada caafimaaad ee qol waliba loogu tala galay, iyadoona loo dhisay hannaan casri ah waxaana dhisay shirkadda dhismaha Buruuj.







Related Items