Al-Shabaab Oo Soo Bandhigaya Aragtidooda Ku Aadan Mashruuca Lagu Mideynayo Bariga Africa Ee Abey, Farmaajo iyo Afawerki (DAAWO Filim Cusub).

Sunday August 02, 2020 - 15:08:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 2
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo Soo Bandhigaya Aragtidooda Ku Aadan Mashruuca Lagu Mideynayo Bariga Africa Ee Abey, Farmaajo iyo Afawerki (DAAWO Filim Cusub).

    Garabka dhanka warbaahinta u qaabilsan Xarakada Al-Shabaab ee loo yaqaano "Mu'asasada AlKataa'ib" ayaa soo saaray filim Documentary ah oo si qotodheer uga faaloonaya hardanka soo jireenka ah iyo loollanka taariikhiga ah ee dhulka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garabka dhanka warbaahinta u qaabilsan Xarakada Al-Shabaab ee loo yaqaano "Mu'asasada AlKataa'ib" ayaa soo saaray filim Documentary ah oo si qotodheer uga faaloonaya hardanka soo jireenka ah iyo loollanka taariikhiga ah ee dhulka bariga Africa ku dhexmaray Muslimiinta iyo Nasaarada Xabashida Itoobiya, iyadoo dhanka kale uu filimku soo bandhigayo yoolka uu higsanayo halganka kooxda iyo aragtida ay ka qabaan dadaalada la doonayo in lagu mideeyo shucuubta bariga Africa.
 


Filimka ayaa si hordhac ah uga sheekeynaya dagaalka dunidan guudkeeda ku dhexmaraya Muslimiinta iyo Nasaarada si guud, wuxuuna soo gudbinayaa arimaha uu salka ku hayo, sababaha soo celceliya dagaaladaas iyo ujeedooyinka labada dhinac ee hardamay.


Marka uu suurad kooban ka bixiyo siraaca guud ee Muslimiinta iyo Nasaarada kadib, wuxuu filimku u soo daadegayaa mowduuc filimka iyo dhuuxa sheekada oo ah dagaalka dhulkan bariga Africa ku dhexmaraya dadka Soomaaliyeed oo matalaya jiritaanka Muslimiinta ee geeska Africa iyo nasaarada xabashida oo matalaya jiritaanka saliibiyada caalamiga ee geeska Africa.


Waxaa Filimka ka qeyb qaadanaya culimo, mashaayikh, nabadoono, iyo mas'uuliyiin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo si xeeldheer u faaqidaya mowduucan taariikhiga ah iyo hardanka soo jireenka ah ee filimku qaadaa dhigayo.


Filimkan ayaa sidoo kale bandhigaya baxthi ballaaran oo aan noociisa horay loo soo bandhigin oo ay mu'asasadu ku bidhaamineyso xaqiiqda dagaalka ka dhex ololsan Muslimiinta geeska Africa iyo nasaarada xabashida Itoobiya.

Filimkan waa xalqadii 3aad ee taxane loogu magacdaray ( لا مرحباً بهم إنهم صالوا النار ) kaas oo aalaaba ay Alkataa'ib kusoo bandhigto aragtidooda ku aadan damacyada shisheeye iyo duullaanada saliibiyiinta ee casrigan, laguna soo bandhigo dagaallada malaaximta ah ee ay ku boqnogooyeen ciidamada gumeysiga ee jooga Soomaaliya.

Xalqadan oo ah mid aad u ballaaran ayaa la sheegay inay ka kooban tahay laba juz, waxaana hadda la faafiyey juzkii 1aad oo kaliya.


Related Items