Faah Faahin:Qaraxyo Khasaara Dhaliyay oo Ciidanka AMISOM Lagula Eegtay Magaalada Marka.

Thursday October 30, 2014 - 10:44:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Qaraxyo Khasaara Dhaliyay oo Ciidanka AMISOM Lagula Eegtay Magaalada Marka.

    Qaraxyo xooggan ayaa maanta barqadii ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula eegtay bartamaha magaalada Marka ee gobolka shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaraxyo xooggan ayaa maanta barqadii ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula eegtay bartamaha magaalada Marka ee gobolka shabeelaha Hoose.

Goob jooge Marka ku sugan ayaa SomaliMeMo u sheegay in laba qarax ay qabsadeen ciidamo Uganda katirsan xilli ay ku lugeynayeen agagaarka Suuqa weyn ee magaalada.

Daqiiqado kadib qarax kale ayaa lala helay gaari ay wateen ciidamada shisheeye  oo marayay xaafadda Russia waxaana lasoo sheegayaa in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ay gaareen cadawga AMISOM.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in 15 askari Yugaandheys ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa maanta lagula beegsaday magaalada Marka ee shabeelaha Hoose,haba yaraatee maleeshiyaadka DF-ka ee ku sugan magaaladan ayaan wax lug ah ku laheyn wixii maanta magaalada ka dhacay.


Madaafiic xooggan oo ay xaafadaha magaalada Marka ku duqeynayeen ciidanka AMISOM ayaa laga maqlayay duleedka degmadaasi ugu yaraan 5 qof ayay dhaawacyo kasoo gaareen madaafiicda ay ciidamada gumeysiga AMISOM ku garaaceen magaalada Marka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items