Jihaadiyiinta ugu awoodda badan Saaxilka Afrika oo sheegtay Mas'uuliyadda weerar ka dhacay dalka Maali.

Saturday August 01, 2020 - 11:36:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 11 1
  • Share via Social Media

    Jihaadiyiinta ugu awoodda badan Saaxilka Afrika oo sheegtay Mas'uuliyadda weerar ka dhacay dalka Maali.

    Bayaan rasmi ah oo ay faafisay mu'asasada Azzalaaqah oo ah garabka warbaahineed ee jamaacada Nusratul Islaami walmuslimiin ee ka jihaadda galbeedka Afrika ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weeraro lagu beegsaday ciidamada Faransiiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayaan rasmi ah oo ay faafisay mu'asasada Azzalaaqah oo ah garabka warbaahineed ee jamaacada Nusratul Islaami walmuslimiin ee ka jihaadda galbeedka Afrika ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weeraro lagu beegsaday ciidamada Faransiiska.


Jamaacadan jihaadiga ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan JNIM ayaa sheegtay in ay laba gaari oo walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ay ku weerartay saldhig ay ciidanka Faransiiska ku leeyihiin meel ku dhow degmada Goosi ee waqooyiga Maali dhacda.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in laba gaari oo ay kaxaynayeen naftood hurayaal lagu qarxiyay albaabka saldhigga kadibna ay jihaadiyiin aad uhubaysan ay gudaha ugaleen saldhigga halkaas oo ay khasara lixaad leh ugu geysteen ciidamada Faransiiska.


Dowladda Faransiiska ayaa isbuucii lasoo dhaafay sheegtay in weerarkaas looga dilay hal askari laba kalane looga dhaawacay balse mujaahidiinta Nusratul Islaam Walmuslimiin wali sooma gudbin tirakoob rasmi ah oo ku saabsan khasaarihii ka dhashay labadaas weerar ee lagu qaaday saldhigga Faransiiska.

Jamaacada JINM waa isbahaysiga Jihaadiga ugu awoodda badan mandiqadda Saaxilka qaaradda Afrika, sirdoonnada caalamiga ah waxay sheegaan in jamaacadan tahay midda ugu awoodda badan qaaradda Afrika marka laga hadlayo marka laga hadlayo jihaadiyiinta qaaraddan ka jira.


Related Items