Saldhigyo ay ciidamada Kenya ku leeyihiin Jubbada Hoose oo weeraro lagu miray.

Sunday August 02, 2020 - 12:30:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyo ay ciidamada Kenya ku leeyihiin Jubbada Hoose oo weeraro lagu miray.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in markale weerar culus lagu qaaday qaar kamid ah saldhigyada ciidamada gummeysiga Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in markale weerar culus lagu qaaday qaar kamid ah saldhigyada ciidamada gummeysiga Kenya.


Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weeraro ku miray saldhigyada ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaannada Hoosingoow iyo Cabdalla Biroole oo labaduba katirsan Jubbada Hoose.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Jihaadiga Al Shabaab ay weerarada ku bilaabeen madaafiic kadibna waxaa xigay iska hor'imaadyo fool ka fool ah balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weeraradii xalay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items