Roobab Daadad wata oo Kumanaan qof ku go'doomiyay dalka Suudaan.

Sunday August 02, 2020 - 13:31:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Daadad wata oo Kumanaan qof ku go'doomiyay dalka Suudaan.

    Roobab mahiigaan ah oo daad wata ayaa musiibo daran ka geystay wadanka Suudaan ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab mahiigaan ah oo daad wata ayaa musiibo daran ka geystay wadanka Suudaan ee dhaca bariga qaaradda Afrika.


Wararka ka imaanaya Suudaan ayaa sheegaya in daadad ka dhashay roobab da'ayay maalmihii Jimcaha iyo Sabtiga ay sababeen in fatahaado ay hareereeyaan degmooyin iyo tuulooyin dhaca bariga Webiga Niil.

Fatahaadaha ku dhuftay Wilaayada Al Khurduum ayaa sababay in ay burburaan qaar kamid ah biya xireennada  ugu caansan dalka Suudaan, guddoomiyaha gobolka Al Khurduum ayaa warbaahinta u sheegay in tobanaan tuulo ay biyuhu go'doomiyeen islamarkaana ay halis ku jirto nolosha kumanaan ruux.


Waaliga gobolka ayaa ka dalbaday ciidamada difaaca Madaniga ah in ay il gaara ku eegaan qaabka uu biyaha ushubayo Webiga Niil islamarkaana ay cillad bixiyaan Kannaalada unugul in ay jabsadaan biyaha webiga.

Dhanka wilaayada Niilka Buluugga ah waxaa jabay Biya xireenkii ugu weynaa Koonfur Bari wadanka Suudaan, guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in uu qeyb ahaan burburay Biya xireenka Buud sababa laxiriira biyo joog sare usocdal oo ka sare maray.

ku dhowaad 600 oo qoys ayay biyaha fatahay ku hareereeyeen gobolka Niilka Buluugga ah, afhayeen u hadlay maamulka gobolka ayaa xukuumadda dhexe ugu baaqay in ay diyaarado nuuca qumaatiga ukaca ah ku badbaadiso dadka ay daadku go'doomiyeen.

Roobabkan mahiigaanka ah ayaa ka bilaawday dalka Suudaan dhammaadkii bishii Juulaay ee lasoo dhaafay waxaana lafilayaa in ay sii socdaan illaa bisha Octobar ee soo socota.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items