Duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya oo berri dib ubilaabanaya.

Sunday August 02, 2020 - 14:50:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya oo berri dib ubilaabanaya.

    Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday in saacadaoa soocda dib loo furi doono dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka dibaddiisa ka imaan jiray iyo kuwii aadi jiray intaba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday in saacadaoa soocda dib loo furi doono dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka dibaddiisa ka imaan jiray iyo kuwii aadi jiray intaba.


Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda ayaa sheegtay in berri oo ay ku beegantahay 3da bisha Agoosto 2020 ay dib ubilaabanayaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee ku xirmay Caabuqa Covid19.

Dhammaan dadka rakaabka ah ee la socda diyaaradaha dibadda ka imaanaya ayaa lamarin doonaa baaritanno caafimaad waxaana shuruudaha lagu xiray kamid ah in ay  la yimaadaan aqoonsiyo muujinaya xaaladooda caafimaad.

Xirnaashiyaha garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho ayaa hoos udhac ballaaran oo dhanka dhaqaalaha ah dhaxalsiiyay dowladda Federaalka oo badanaa miizaaniyadda ay ku sahqeyso ay bixiyaan dowlado iyo hay'ado shisheeye.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items