Guddoomiyihii hore ee degmada Wanlaweyn oo ku dhintay weerar ka dhacay Sh/hoose.

Monday August 03, 2020 - 10:54:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii hore ee degmada Wanlaweyn oo ku dhintay weerar ka dhacay Sh/hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dil ah oo xalay ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dil ah oo xalay ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Sh/hoose.


Dagaalyahanno hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weeraray guri kuyaal gudaha degmada Wanlaweyn halkaas oo uu ku sugnaa sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Bangaraafta horayna usoo noqday guddoomiyaha degmada.

Maxamad Cabdullaahi Cumar (Koosto) ayaa ku dhintay weerarka Al Shabaab ay ku beegsadeen gurigiisa, ilo wareedyo ayaa sheegaya in mas'uulka ladilay uu horay usoo noqday guddoomiyaha degmada Wanlaweyn islamarkaana uu hadda ahaa sarkaal sare oo katirsan ciidamada Mareykanku ku tababaray saldhigga Balidoogle.


Degmada Wanlaweyn ayaa saaka si aad ah looga hadal hayaa weerarkii xalay lagu dilay Max'med Cabdullaahi Koosto oo dabadhilif u ahaa ciidamada shisheeye ee xasuuqa ka wada deegaanno katirsan Sh/hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items