Sawirro: Askari Mareykan ah oo ka hadlay Saskii uu ka qaaday duullaankooda Soomaaliya.

Monday August 03, 2020 - 11:23:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Askari Mareykan ah oo ka hadlay Saskii uu ka qaaday duullaankooda Soomaaliya.

    Waxaa 29 sano laga joogaa markii ay burburtay dowladdii shuuciyadda ahayd ee Soomaaliya, taasoo ay duminteeda ka qeyb qaateen dowlado ay kamid yihiin Mareykanka kadib markii ay danahooda ka waayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa 29 sano laga joogaa markii ay burburtay dowladdii shuuciyadda ahayd ee Soomaaliya, taasoo ay duminteeda ka qeyb qaateen dowlado ay kamid yihiin Mareykanka kadib markii ay danahooda ka waayeen.



Dhibaatooyinkii iyo dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka waxay fursad u siiyeen shisheeyaha iney duullaano kala duwan soo qaadaan iyagoo wata magacyo khilaafaya waxa ay yihiin iyo ujeedada duullaankooda.

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday duulaan loogu magac daray "hawgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay” waxaana ay ciidamo usoo direen Soomaaliya.

Askar badan oo ka tirsan kuwa shisheeye ee Qaramada Midoobay ayaa lagu dilay Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho taasoo keentay iney amraan in la beegsado Caydiid oo ahaa qabqable diidanaa siyaasadda shisheeyaha oo halis ku ahayd admaacdiisa.



Hawlgalkii qaramada midoobay oo fashilmay ayaa sababay in lagu dhawaaqo hawl galkii uu gaarka u lahaa Mareykanka ee magaciisu ahaa "Rajo soo celinta”.

Ciidamada Mareykanka iyo isbahaysiyadii ay wateen oo 30 kun kor u dhaafayay ayaa iyaguna wajahay dagaal weyn iyadoo laga soo riday diyaarado, lagana gubay gaadiid islamarkaana meydadka ciidamadooda lagu jiiday wadooyinka Xamar.

Inkastoo dagaalka ay dad badan ka qeyb galayeen haddana kaalinta ugu weyn waxaa lahaa rag wadaado ah oo iyagu qaraxyada la beegsanayay Mareykanka kana soo ridayay diyaaradaha kuwaasoo qaarkood haatan qeyb ka ah halganka lagula jiro shisheeyaha.

Jeff Struecker oo ah Jeneraal hore Mareykan ah oo hawgalb ah balse horay uga tirsanaa ciidamada Mareykanka ee Rangers ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta reer galbeedka waxaa uu kaga sheekeeyay duullaankii uu qeybta ka ahaa ee Mareykanka lagu soo qaaday Soomaaliya sanadkii 1993-dii.

Jeff Struecker oo inta aan Soomaaliya loo dirin ku sugnaa gudaha dalka Mareykanka, horayna uga soo dagaalamay dalal ay kamid yihiin Kuwait, Panama, Ciraaq iyo Afghanistan ayaa waxaa uu ka sheekeeyay wixii dhacay horaantii bishii Oktoobar ee sanadkii 1993-dii.

"Aniga iyo guutadii aan ka tirsanaa waxaa naloo diray hawgalkii toddobaad oo ahaa kii ugu dambeeyay, ujeedkiisuna ahaa sidii aan gacanta ugu soo dhigi lahayn Ceydiid, waana xilligaas marka ay dhacday diyaaradii Black hawk down ee ciidamada Mareykanka”ayuu yiri Jeneraal Jeff Struecker oo ka sheekeeyay wixii dhacay xilligaas isagoo la hadlayay xarunta AVC.

Jeff wuxuu sheegay iney Muqdisho kala kulmeen dagaallo aan la aqoon sidey u socdaan taasina uu ka dhaxalay cabsi iyo argagax uur ku taala ku noqotay oo aanu waligii hilmaami karin.

Jeff oo dhawr sano kahor duullaanka guursdaay ayaa sheegay in uu aaminay in aanu dib dambe u arki doonin xaaskiisa iyo canuga ay caloosha ku siday marka la ego xaaladii uu xilligaas ku sugnaa, maadaama uu hogaaminayay hawgalka waayo marka laga yimaado dagaalka guud ee shacbi iyo kii Caydiid waxaa jiray bar tilmaameedsi gaar ah oo ay kala kulmayeen culimadii kamidka ahaa Al-qaacidda waxaana ay arkayeen iyadoo aan inta badan la qarxinayn gaadiidka wadamada kale ee calooshood u shaqeystayaasha ah balse la beegsanayo uun kuwa Mareykanka.

Jeneraalkan hawl gabka ah ayaa wuxuu intaa raaciyay, "saskii aan ka qaaday hawlgalkaas wali waa mid maksaxdayda ka guuxayo”.

"Waxaanu aadnay suuqa bakaaraha oo ah halka ay ku sugnaayeen Ceydiid iyo saraakiil kale oo la socotay, markii aan halkaas u dhaqaaqnay ayaa wadooyinka Muqdisho waxan kala kulannay wax aan maleysaneynin, qaar badan oo kamid ahaa ciidamadii ila socday ee saarnaa baabuurka gaashaamana ee Humvee waa ay dhinteen, kuwa kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii dhexda la inoo galay”, ayuu raaciyay.

Dhowr daqiiqo kadib taliyihii hogamainayay ciidanka ayuu sheegay in uu lasoo hadlay kuna amray in ay dib uga soo laabtaan magaalada, waxaana bilaabay in aan duceysto maadaama aan yaqiinsaday in aan dhimanayo” ayuu yiri.

Afarta bishii Oktoobar ayay ahayd markii la soo riday diyaaradii loogu magac daray Black hawk down ee ay ku dhinten ciidamo Mareykanka oo inta ay iyagu qirsan yihiin gaaraya 18 askari, janaraal Naaleeye oo kamid ahaa islaamiyiinta dagaalka ku jirtay filim ay baahisay Al-kataa’ib ku sheegay in Mareykanku uu dhabar jab weyn soo gaaray.

Muqdisho waxay astaan u noqotay jabinta qabweynidii Mareykankan waana tii xilligaas lagu shirbay "Raanjaris ma rootiyaa rayidkiyaaba raamsadee”.

Jeff oo labaatan sano kadib dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho sanadkii 2013-kii ayaa waxaa uu sheegay in Alle mahadii ay tahay in mar kale uu Muqdisho tegay isagoo aanan cabsnaeyn sida uu hadalka u dhigay maadaama ay wadanka qeybo kamid ah qabsadeen ciidamo shisheeye oo ay iyagu qeyb ka yihiin kana dhiseen dowlad aan waxba dhaamin shey ay iyagu gaar u leeyihiin.

"Waxba ma aanan dareemin ilaa iyo inta aan dib uga laabtay Muqdisho, Alle ayaa I badbaadiyay, mana doonayo in aan seego fursadda labaad ee u Alle I siiyay in aan ku noolado,”ayuu yiri.

Askarigii Mareykan ah ee lagu qoro duullaanka Soomaaliya waxaa ka murgooda qoyskiisa oo sidii inuu dhintay oo kale u baroorta ka hor inta aanu soo safrin, waxaana xusid mudan in Mareykanku uu ka been sheegay tirada ciidanka laga dilay kuna soo koobay 18 oo kaliya hase ahaatee Sheekh Mahad Warsame Abuu Cabdiraxmaan oo kamid ah mas’uuliyiinta Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in khasaarahoodu uu intaasi aad uga badan yahay.

Si kastaba ha ahaatee warbaahinta reer galbeedka ayaa 2dii maalmood ee ugu dambeeyay aad u shaacinayay warka Jeff oo kaasoo kamid noqday wararka ugu xiisaha badan ee ay dadkoodu danaynayeen si ay u ogaadaan xaqiiqda hadda iyo horeyba ka jirta Soomaaliya.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items