Mujaahidiinta Naigeria oo Qabsaday Magaalo Muhiim ah Kadib Dagaal ay lagaleen Ciidanka Xukuumadda.

Thursday October 30, 2014 - 11:28:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mujaahidiinta Naigeria oo Qabsaday Magaalo Muhiim ah Kadib Dagaal ay lagaleen Ciidanka Xukuumadda.

    Wararka ka imaanaya wadanka Naigeria ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta Ahlusuna Lidacwati walqitaal ay lawareegeen gacan ku heynta magaalo istiraatiiji ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Naigeria ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta Ahlusuna Lidacwati walqitaal ay lawareegeen gacan ku heynta magaalo istiraatiiji ah.
Kadib dagaal saacado badan qaatay ayay ciidamada Boko Haram usuurtagashay in ay gacanta ku dhigaan magaalada Mobi ee dhacda waqooyi bari wadankaasi.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidanka mujaahidiinta oo gaadiidka gaashaaman wata ay gudaha magaalada ka bilaabeen roondeyn iyagoo gacanta ku dhigay xaruta degmada,saldhigga booliska iyo Bankiga weyn ee magaaladaasi.

Afhayeen uhadlay melleteriga Naigeria ayaa warbaahinta uxaqiijiyay in ciidankooda laga qabsaday magaalada waxaana laga cabsi qabaa in mujaahidiintu ujiheystaan dhanka magaalada Medaguuri ee gobolka Boorno.


Magaalada Mobi waa magaala ganacsi waana magaalada 2-aad ee ugu weyn gobolka Adamawa,mujaahidiinta Naigeria ayaa si xowlli ah uqabsanaya magaalooyin kadib markii ay dhabarka ka jebiyeen ciidanka xukuumadda dabadhilifka ah ee fadhigeedu yahay Abuja.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items