Askari Kenyaan ah oo lagu dilay Wajeer iyo weerar askar lagu dilay oo Sh/hoose ka dhacay

Wednesday August 05, 2020 - 09:43:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Kenyaan ah oo lagu dilay Wajeer iyo weerar askar lagu dilay oo Sh/hoose ka dhacay

    Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa hawl gal gaar ah oo ay ka fuliyeen dhulka NFD ee Soomaalida ku dilay askari Kenyaan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa hawl gal gaar ah oo ay ka fuliyeen dhulka NFD ee Soomaalida ku dilay askari Kenyaan ah.



Askarigan ayaa waxaa lagu toogtay tuulada lagu magacaabo 50 oo hoos tagta wajeer islamarkaana ku jirta gacanta ciidanka xukuumadda Uhuru.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in askarigan lagu toogtay bartamaha magaalada waxaana goobta soo gaaray saaxiibadii oo argagax iyo caro ay ka muuqato kuwaasoo qaatay meydka.

Sidoo kale, weerar dhabba gal ah oo ay ciidamada Al-Shabaab ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay ku dileen 2 askari oo ka tirsan ciidamada DF.



Weerarkan ayaa xalay ka dhacay meel u dhow nambar 60 kadib markii la rasaaseeyay Mooto ay saarnaayeen 2 asakri.

Al-Shabaab ayaa horey usii qaatay mootada, waxaana ay weeraradan kusoo aadayaan iyadoo habeenkii xalay weeraro saf ballaaran ah lagu qaaday ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya ee heysta qeybo kamid ah Jubbada hoose.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items