Ciidamada Al Shabaab oo lawareegay deegaan iyo salddhig ku dhow magaalada Baydhabo.

Wednesday August 05, 2020 - 10:36:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 10 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab oo lawareegay deegaan iyo salddhig ku dhow magaalada Baydhabo.

    Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa saaka aroortii hore weerar kula jarmaaday saldhig meleteri oo kuyaal duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa saaka aroortii hore weerar kula jarmaaday saldhig meleteri oo kuyaal duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.


Wararka ka imaanaya deegaanka Daynuunaay ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay dagaal muddo socday kadib ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka iyo saldhig melleteri.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen Daynuunaay kadibna ay qabsadeen saldhig melleteri oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay sarkaal ciidan oo lagu magacaabo Yuusuf Boorweyne kaasi oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur galbeed.


Ma ahan markii ugu horraysay oo dagaalyahanada Al Shabaab ay dagaal kula wareegaan deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 25Km dhanka bari uga beegan magaalada Baydhaba.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items