Guddoomiyihii hore ee deegaanka Qooqaani oo ladilay iyo askari ilaala u ahaa oo laqafaashay.

Wednesday August 05, 2020 - 10:44:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii hore ee deegaanka Qooqaani oo ladilay iyo askari ilaala u ahaa oo laqafaashay.

    Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar qorshaysan oo xalay fiidkii ka dhacay gudaha deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar qorshaysan oo xalay fiidkii ka dhacay gudaha deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose.


Ilo wareedyo amni ayaa xaqiijinaya in dagaalyahanno Jihaadi ah ay weerar gaadma ah ku qaadeen guri kuyaal deegaanka Qooqaani halkaas oo uu deganaa mas'uul katirsan maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland isku magacaabay.

Weerarka ayaa sababay in xoogag hubaysan ay gurigiisa ku dhax dilaan Max'med Bile oo ahaa guddoomiyihii hore ee Qooqaani islamarkaana ahaa sarkaal wada shaqeyn dhow laleh ciidamada gummeysiga Kenya ee deegaankaas xoogga ku jooga ku dhowaad 8 sanadood oo xiriir ah.


Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa markii ay dileen guddoomiyihii Qooqaani waxay baacsadeen qaar kamid ah ciidamadii ilaalada u ahaa waxayna ku guuleysteen in ay nolosha kusoo kaxaystaan hal askari oo hubaysan.

Idaacadda Andalus ee Afka Al Shabaab ku hadasha ayaa xaqiijisay in ladilay guddoomiyihii deegaanka Qooqaani islamarkaana lasoo kaxaystay Askari hubaysan.

Todobo maalmood gudahooda waxaa deegaannada Hoosingoow,Qooqaani iyo Kulbiyoow ka dhacayay weeraro safballaaran oo ay xoogaga Al Shabaab ku beegsanayeen shisheeyaha iyo kuwa la shaqeeya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items