Chris Reynolds: Muqdisho Waxaa Kasocda Iqtiyaalaat Afka Leyska Gelinayo Xabadda Iyo Qaraxyo Joogta ah

Wednesday August 05, 2020 - 20:03:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chris Reynolds: Muqdisho Waxaa Kasocda Iqtiyaalaat Afka Leyska Gelinayo Xabadda Iyo Qaraxyo Joogta ah

    Chris Reynolds, waa madaxa howlgalka EUCAP oo ah howlgal uu midowga Yurub ku sheego mid lagu dhisayo tayada iyo awoodda ciidamada badda ee Soomaaliya. Marwaliba oo uu aadayo shaqadiisa, waxaa Chris Reynold lagu galbiyaa laba gaari oo kuwa gaashaaman

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chris Reynolds oo fadhiya xafiiskiisa
Chris Reynolds, waa madaxa howlgalka EUCAP oo ah howlgal uu midowga Yurub ku sheego mid lagu dhisayo tayada iyo awoodda ciidamada badda ee Soomaaliya. Marwaliba oo uu aadayo shaqadiisa, waxaa Chris Reynold lagu galbiyaa laba gaari oo kuwa gaashaaman iyo koox ciidamo ah.

Ninkan oo asal ahaan kasoo jeeda Ireland ayaa yiri: "halista halkaan ka jirta waa mid aad u sareysa, si dhab ah ayaana uga taxadarnaaā€¯ ayuu yiri Reynolds xilli uu u waramayey wargeyska lagu magacaabo Irish Times isagoo ku sugan xarunta EUCAP ee ku taalla aagga loo yaqaano qadka cagaaran oo ah garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.


sida uu tilmaamay wargeyska, xaruntan waxaa ilaaliya raac 1aad, mid labaad iyo mid saddexaad oo ciidamo ah. ciidanka ugu horeeya ee jooga difaaca hore waa Soomaali. waxaa ku xiga raac labaad oo ciidamo Afrikan ah oo ilaaliya guud ahaan xerada. waxaa ugu dambeeya oo albaabada xarumahaas ilaaliya ciidamo katirsan shirkado Amni oo reergalbeed ah kuwaas oo qaabilsan amaanka diblumaasiyiinta iyo madaxda degan xarumahaasi.



wargeysku wuxuu leeyahay: "Iyadoo ay sidaas tahay hadana waxay xaruntu la kulantaa weeraro kala duwan oo u badan duqeymo madaafiic ah oo kaga yimaada kooxda Al-Shabaab."


Banaanka Uma Bixi Karno.

Chris Reynolds waxaa isagoo ku sugan gudaha xaruntaas uu yiri: "marka aan dooneyno inaan aadno banaanka waxaan ku baxnaa kolonyo. waxaan horay iyo gadaal iska marinaa ciidamo Soomaali ah, kadibna waxaan qaadanaa laba gaari oo gaashaaman, yacni kuwa aanu xabadda karin, intaas oo kaliya naguma filno ee xitaa anaga qudheena waxaan xiranaa jaakadaha xabadda celiya. baabuurtan gaashaaman ee aan heysano rasaasta kooban un bey kaa difaaci kartaa balse haddii uu dhaco qarax weyn arintu wey isbedeleysaa, sidaas oo ay tahay baabuurta kama degno ilaa aan ka tagno xarun kale oo sidan loo ilaaliyo" ayuu yiri.


Chris Reynolds oo horaantii bishan la gudoonsiiyey abaalmarinta taageerada military ee midowga Yurub ayaa aad u qoslay markii la weydiiyey haddii uu reerkiisa soo dajistay halkaan Muqdisho ah, wuxuuna ku jawaabay: "Alla mayya, halkaan ma ahan goob aad reerkaaga soo degsan karto"


wuxuu kamid ah shan sarkaal oo kasoo jeeda dalka Ireland oo katirsan howlgalka awood dhisida ee midowga Yurub. wuxuu dadka ku beer laxowsadaa inay Soomaaliya tahay Irland-ta Africa, isagoo soo xiganaya oraah uu qarnigii 19aad yiri dhul mareen lagu magacaabi jiray Richard Burton oo ahayd in Soomaaliya ay la mid tahay Ireland marka loo fiiriyo biyaha quruxda badan ee ku gedaaman, taariikhda ay u leeyihiin tacabka beeraha, iyo reer guuraaga"


Iqtiyaalaat Afsaar Ah.


 

Shaqada ugu adag ee hadda hortaalla Chris Reynolds waa inuu dhiso ciidamo loogu talagalay inay ku roondeeyaan xeebaha Soomaaliya, iyo ciidamo la doonayo inay ilaaliyaan dekadaha Soomaaliya iyo qeybta saddexaad oo ah ciidamo Police ah oo sida military-ga u tababaran oo iyagana loogu talagalay la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab.


Talaabooyinkan ayuu aaminsan yahay inay dowlada ridada ah ee wakiilka ka ah reergalbeedka ku kasban karto gacan ku heynta wadanka oo idil, kadib muddo 30 sano ah oo ay ilaa hadda kala daadsan tahay.


Inkastoo awlawiyaatka howlgalkooda iyo halku dhiga duullaankooda uu markii hore ahaa la dagaalanka burcad badeeda hadana Chris Reynolds wuxuu tilmaamayaa in xilligan la jooga caqabad ugu weyn ee ay la tacaalayaan ay tahay sidii looga adkaan lahaa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.


"Muqdisho weli waa goob aad iyo aad halis u ah. waxaa jira iqtiyaalaat fara badan oo xabadda afka la iska gelinayo, waxaan sidoo kale maalinba maalinta ka dambeysa la kulanaa qaraxyo waaweyn oo gawaari loo adeegsado"


Musuqmaasuqa Ragaadiyey DFS


Mushkiladaha kale ee ay la tacaalayaan ayuu ku sheegay musuq-maasuqa ragaadiyey madaxda Soomaalida kaas oo uu tilmaamay inuu noqday qeyb kamid ah nolosha siyaasiyiinta, isagoo xusay in maqnaanshaha dowlad awoodleh oo wadanka maamuli karta ay sababtay jahawareer ku yimaado dhamaan isbedalada la wado.


"waxaad moodeysaa inaad aragti fiican ka heysato waxa socda, oo aad horay u socoto, hadana waxyar kadib waxaad arkeysaa howshii aad waday oo gadaal kasii kala furfurmeysa. waxaad arkeysaa qofkii aad la mucaamileysay oo howl kale gacmaha kula jira, kadibna maba jiro qof kaa qabanaya telephone-ka" ayuu yiri mar uu ka hadlayey sida uu musuq-maasuqa u badalay dhaqanka madaxda Soomaalida.


Madaxda iyo Diblumaasiyiinta reergalbeedka ee jooga xerada Xalane ayaa dadaal ballaaran ugu jira sidii ay u burburin lahaayeen shareecada Islaamka una hirgelin lahaayeen dowlad Calmaani ah oo u adeegta danahooda iyo damacyadooda gurracan balse dhowrkii sano ee lasoo dhaafay dowladahan ayaa quus iyo qoomamo ka muujinayey dadaalada aan mirodhalka ahayn ee ay tobanaanka sano ka wadaan Soomaaliya, waxayna aalaaba fashalkooda iyo guuldaradooda dusha u saaraan madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaalida oo ay u arkaan kuwa aanan kasoo bixi karin howlaha dabadhilifnimo loo igmaday.


Related Items