Xaalad deg deg ah oo ka dhalatay qaraxii qarniga ee ka dhacay wadanka Lubnaan.

Thursday August 06, 2020 - 11:21:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalad deg deg ah oo ka dhalatay qaraxii qarniga ee ka dhacay wadanka Lubnaan.

    Maamulayaasha wadanka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo lagusoo rogay magaalada caasimadda ah ee Beyruut.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulayaasha wadanka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo lagusoo rogay magaalada caasimadda ah ee Beyruut.


Wasiirka caafimaadka xukuumadda Lubanaan ninka lagu magacaabo Xasan Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ku dhintay qaraxii weynaa ee habiin hore ka dhacay magaalada ay kor udhaafeen 137 ruux halka dadka dhaawacmay gaareen 5 kun oo ruux.

R/wasaaraha xukuumadda Lubanaan ayaa sheegay in dad ka badan sedax boqol oo kun shacab ah ku barakaceen qaraxii aadka uweynaa ee gilgilay dekadda caalamiga magaalada Beyruut.


Wasiirka dhaqaalaha Lubnaan ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay qaraxa ay ka badan tahay 5 Bilyan oo dollar isagoo ka digay in musiibada ka dhalatay qaraxii weynaa ay saameyn xun ku reebi doono dhaqaalaha dalkiisa oo markii horaba aan caga adag ku taagnayn.

Xaaladda degdegga ah ee Lubnaan lagusoo rogay ayaa sii socan doonta illaa laba isbuuc, dhinaca kale madaxweynaha Mareykanka ayaa ka laabtay warkiisi ahaa in qaraxii ka dhacay Lubnaan uu ahaa weerar.

Trump oo warbaahinta lahadlay ayaa ka gaabsaday in uu dhinac utiiriyo wixii dhacay isagoo kusoo gaabsaday in uusan xaqiijin karin sida ay wax udhaceen.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa wixii ka dhacay dekadda Beyruut ku sheegtay qaraxii qarniga, dhammaan baaritaannada lasameeyay ayaa cadeynaya in maaddooyin kiimiko ah oo lagu keydinayay dekadda ugu weyn Lubnaan ay si iskood ah uqarxeen kadibna ay sababeen halaag daran.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items