Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed oo faarujiyay deegaanka Goofguduud Buureey.

Thursday August 06, 2020 - 15:29:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.3/5 Stars) Total Votes: 3
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed oo faarujiyay deegaanka Goofguduud Buureey.

    Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in isbedel dhanka gacan ku haynta ah uu ka dhacay deegaan ku dhow magaalada Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo katirsan alshabaab
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in isbedel dhanka gacan ku haynta ah uu ka dhacay deegaan ku dhow magaalada Baydhabo.


Saaka aroortii hore ayay ciidamada wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool waxay si nabad gelyo leh kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Goofgaduud buureey oo qiyaastii 35Km ujira magaalada Baydhabo.

Xalay fiidkii ayay maleeshiyaadkii maamulka Koonfur galbeed isaga baxeen deegaanka kadib markii ay ka baqeen in ay weerar cagmarin ah oo lamid ah midkii shalay ka dhacay Daynuunaay ay kala kulmaan Al Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladdu tahay mid deggan waxaana deegaanada Daynuunaay iyo Goofguduud ku sugan dagaalyahanada Al Shabaab, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka Cabdi Casiis Laftagareen oo ku aaddan isbedellada ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Baay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items