Xarunta Keydka Daawooyinka dalka Jabuuti oo gubatay.

Thursday August 06, 2020 - 14:38:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Keydka Daawooyinka dalka Jabuuti oo gubatay.

    Qeyb ahaan waxaa basbeeshay xarunta Keydka dawooyinka wadanka Jabuuti kadib markii uu dab xooggan ka kacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qeyb ahaan waxaa basbeeshay xarunta Keydka dawooyinka wadanka Jabuuti kadib markii uu dab xooggan ka kacay.


Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Jabuuti ayaa sheegaya in saaka aroortii uu dab qabsaday xarunta ugu weyn ee lagu keydiyo dawooyinka waddan lasoo geliyo waxaana gacanta ku haysay wasaaradda caafimaadka.

Wariyaal ayaa soo sheegay in gudaha warshadda ay ku gubteen qalab caafimaad iyo dawooyin ay lahaayeen ganacsato reer Jabuuti ah, xaruntan ayaa lagu keydin jiray dawooyinka ka hor inta aan loo qeybin isbitaallada iyo farmashiyaasha.


Khasaara maaliyadeed oo aad uxooggan ayaa larumeysanyahay in uu ka dhashay dabka qabsaday xarunta ugu weyn ee daawooyinka lagu kediyo dalka Jabuuti, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka Ismaaciil Cumar Gelle oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dabka kacay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items