Markab Shamiinto sida oo qarka usaaran in uu ku dego Marsada Boosaaso.

Thursday August 06, 2020 - 14:41:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markab Shamiinto sida oo qarka usaaran in uu ku dego Marsada Boosaaso.

    Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in markab sida shixnado ganacsi uu kusoo caariyay xeebta magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in markab sida shixnado ganacsi uu kusoo caariyay xeebta magaaladaasi.


Markabkan oo uraran ganacsato Soomaaliyeed ayaa halis ugu jiro in uu quuso haddii aan wax laga caqaban caqabadaha ka haysta in uu ku xirto marsada caalamiga Boosaaso.

Ganacsade Ismaaciil Saciid Kutubaweyne oo ah madaxa shirkadda Barwaaq ee uu markabku uraranyahay ayaa warbaahinta u sheegay in markabku uu awoodi waayay in uu dekadda baroosimaha dhigto sababa laxiriira carro gudaha badda ah oo ku dhigtay candhadiisa.

Wuxuu sheegay in markabku uu quusi doono haddii aan lahelin qalab casri ah oo ciidda looga qodo nawaaxiga dekadda, markabkan oo uraran shirkadda Barwaaqo ayaa sida 6,000 oo tan Shamiinta ah wuxuuna halis ugu jiraa in uu quuso oo ganacsato soomaaliyeed ay ku hanti beelaan.


Dekadda Boosaaso oo ay gacanta ku hayso shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta waxaa kajira dib udhac ballaaran mana jiro dayactir lataaban karo oo ay shirkadaasi ku sameysay dekadda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items