Kooxo burcad ah oo dalka Koonfur Afrika ku dilay ganacsade Faarax Weyd.

Thursday August 06, 2020 - 15:26:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo burcad ah oo dalka Koonfur Afrika ku dilay ganacsade Faarax Weyd.

    Wadanka Koonfur Afrika waxaa wali kasii socda weerarada lagu beegsanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee wadankaasi ka shaqeysta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Koonfur Afrika waxaa wali kasii socda weerarada lagu beegsanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee wadankaasi ka shaqeysta.


Weerar kooxo hubaysan ay xalay ka geysteen goob ganacsi oo kutaal magaalada Durban ayay ku dileen muwaadin soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Faarax Weyd.

Xubin katirsan guddiga jaaliyadda Soomaalida Koonfur Afrika ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in kooxo hubaysan ay dileen ganacsadaha soomaaliga ah kadibna ay goobta si nabad gelya ah uga baxsadeen.

Faarax Weyd waa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo bishaan agoosto ee bilaawga ah lagu dilo Koonfur Afrika balse bishii lasoo dhaafay ayaa tobanaan ganacsato ah sidaan oo kale loogu dilay gobollada kala duwan ee Koonfur Afrika.


illaa iyo hadda tirakoob rasmi ah laguma sameyn tirada ganacsatada Soomaaliyeed ee lagu dilay dalka Koonfur Afrika waxayse qeyb ka yihiin ugaarsiga lagu hayo dadka ajaanibta ah ee halkaas ushaqa tagay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items