Kumanaan qof Itoobiyaan ah oo ku jira xaalad go'doon ah iyo digniin lasoo saaray [Warbixin].

Thursday August 06, 2020 - 15:28:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumanaan qof Itoobiyaan ah oo ku jira xaalad go'doon ah iyo digniin lasoo saaray [Warbixin].

    Roobab daadad wata oo ku dhuftay wadanka Itoobiya ayaa sababay dhimasho iyo barakac lixaad leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab daadad wata oo ku dhuftay wadanka Itoobiya ayaa sababay dhimasho iyo barakac lixaad leh.


Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in webiga Gawaash uu fatahaad baaxad leh ku sameeyay degmooyin iyo deegaanno katirsan ismaamulka Cafarta.

Madaxa guddiga xaaladda degdegga ah iyo ka hor tagga musiibooyinka dabiiciga ah ee gobolka Cafarta ayaa warbaahinta u sheegay in roobab mahiigaan ah oo muddo laba maalmood ah da'ayay ay sababeen in uu fatahaad sameeyo webiga Gawaash.

Fatahaadaha iyo daadadka ayaa burburiyay illaa 10 tuulo waxaana banaanyaal ah 32,000 qoys kuwaas oo xaaladooda nololeed laga dayrinayo.


Wararka ayaa intaas ku daraya in biyaha roobaba iyo kuwa fatahaadda webiyada ay go'doon geliyeen 1,266 qof oo ku nool tuulooyinka kala ah Kolodura iyo Geleali Kebeles oo dhammaantood katirsan ismaamulka Carafta.

Afhayeen uhadlay dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sheegay in dad gaaraya 63,000 oo ruux ay wajahayaan halis uga imaanaysa fatahaadaha webiga Gawaash wuxuuna ugu baaqay hay'adaha UN-ka in ay gacan ka geystaan ka hor tagga fatahaadaha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items