Dad badan oo ku dhintay diyaarad ku burburtay wadanka Hindiya.

Saturday August 08, 2020 - 07:56:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad badan oo ku dhintay diyaarad ku burburtay wadanka Hindiya.

    Tobanaan qof ayaa dhintay tobanaan kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii diyaaraddii ay la socdeen ay ku dhacday magaalo kutaal Koonfurta wadanka Hindiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan qof ayaa dhintay tobanaan kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii diyaaraddii ay la socdeen ay ku dhacday magaalo kutaal Koonfurta wadanka Hindiya.


Wararka ka imaanaya Hindiya ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 qof ay dhinteen halka 70 kale ay dhaawacyo soo gaareen, diyaarad rakaab ah oo ka timid magaalada Dubai ayaa ku dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga Calicut ee Hindiya.

Afhayeen uhadlay shirkadda duulimaadyada Hindiya ayaa sheegay in diyaaradda oo nuuceedu ahaa Boeing 737 oo ay la socdeen 191 qof rakaab ah ay laba qeyb ukala go'day.

Jariiradda Hindustan Times oo soo xiganaysa waaxda socdaalka Hindiya ayaa sheegtay in dadka shilka diyaaradeed ku dhintay ay ka badanyihiin 20 qof waxaana kamid ah dadka dhintay duuliyihii diyaaradda iyo kaaliyaashiisi halka dhaawacyadu ay ka badanyihiin 140 qof.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items