Dagaalyahanno Jihaadi ah oo weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay degmada Luuq.

Saturday August 08, 2020 - 08:10:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalyahanno Jihaadi ah oo weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay degmada Luuq.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday magaalo katirsan gobolka Gedo oo ku jirta gacanta Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore ciidamo katirsan Al Shabaab
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday magaalo katirsan gobolka Gedo oo ku jirta gacanta Xabashida Itoobiya.

Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar safballaaran ah ku qaaday goob ay ku sugnayeen maleeshiyaad gacan saar laleh Xabashida Itoobiya.

Iska hor'imaad in muddo ah socday ayaa gudaha degmada Luuq ku dhaxmaray ciidamada Al Shabaab iyo Maleeshiyaadka Amxaara kalkaalka ah, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari uu ku dhintay weerarka tira kalane ay dhaawacyo soo gaareen.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay xalay maqlayeen jabaqda rasaas xooggan oo labada dhinac ay isdhaafsanayeen, ciidamada Itoobiya ee saldhigga ku leh Luuq wax gurmad ah uma sameyn maleeshiyaadka saaxiibadooda ah ee weerarka kala kulmay Al Shabaab taas bedelkeedna Itoobiyaanka ayaa difaac ka galay suurtagalnimada weerar iyaga ka dhan ah.


Gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta Soomaaliya wuxuu kamid yahay meelaha ay ka socdaan dagaallada lagula jiro shisheeyaha duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya, labadii bilood ee lasoo dhaafay ayuu Gedo martigelinayay tobanaan weerar oo lagula beegsaday ciidamada Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items