12 qof Shacab ah oo ku dhintay Dabeyllo ku dhuftay Raaskaambooni.

Saturday August 08, 2020 - 06:13:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    12 qof Shacab ah oo ku dhintay Dabeyllo ku dhuftay Raaskaambooni.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya roobab dabeyllo wata oo ku dhuftay deegaanno katirsan xeebaha dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaannada ku teedsan badweynta Hindiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya roobab dabeyllo wata oo ku dhuftay deegaanno katirsan xeebaha dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaannada ku teedsan badweynta Hindiya.


Ugu yaraan 12 qof shacab ah ayaa dhintay kuwa kalane waa lala'yahay kadib markii ay dabeyllo aad uxooggan ku dhufteen dhowr jaziiradood oo katirsan gobolka Jubbada Hoose.

Dad ku sugan deegaanka Raaskaambooni ayaa warbaahinta u sheegay in roobab dabeyllo badan wata ay sababeen dhimashada 12 ruux, waxaa rogmaday doonyo yaryar oo ay kalluumaysato ku jallaabanayeen sidoo kale dabeyllaha ayaa burburiyay guryo iyagoona dadkii deganaa badda gunteeda ku tuuray.


Wararka ayaa intaas ku daraya in xaalad adag ay ka jirto dhowr jaziiradood oo dhammaantood dhaca xeebaha gobolka Jubbada Hoose, Dabeyllaha waxaa barbar socda roobab mahiigaan ah oo saameyn badan reebay.

Ma ahan markii ugu horraysay oo shacab Soomaaliyeed ay ku waxyeelloobaan duufaano ku dhuftay badweynta Hindiya gaar ahaan Jubbada Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items