Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda qarax lagu beegsaday saldhig melleteri oo kuyaal magaalada Muqdisho.

Saturday August 08, 2020 - 12:13:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 5
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda qarax lagu beegsaday saldhig melleteri oo kuyaal magaalada Muqdisho.

    Warar hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo maanta barqadii ka dhacay gudaha magaalada caasimadda ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo maanta barqadii ka dhacay gudaha magaalada caasimadda ee Muqdisho.


Jugta qaraxa oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu beegsaday saldhig melleteri ee kaabiga ku haya garoonka ciyaarah Muqdisho Stadium,

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la sheegay in uu ka dhashay qaraxa oo  adeegsaday gaari walxaha qaraxa lagasoo buuxiyay.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyaddan istish-haadiga ah oo lagu beegsaday saldhigga guutada 27aad taas oo aan ka fogeyn xaruntii Xisbiga ee degkada Wardhiigleey.


"Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday saldhigga guutada 27aad ee Murtiinta oo kutaalla dhabarka dambe ee xaruntii xisbiga waxaana jira khasaara xooggan oo isugu jiro dhimasho,dhaawac iyo burbur gaadiid" ayaa lagu yiri war si hordhac ah ugasoo baxay Al Shabaab.

Isbuucii lasoo dhaafay qarax ka dhacay nawaaxiga dekadda caalamiga Muqisho ayaa sababy dhimashada 9 qof waxaana muuqata in weerarada lagu beegsanayo meelaha xasaasiga ah ay kusii xoogeysanayaan inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]



Related Items