Siyaasi Mucaarad ah oo dacwad ka gudbiyay Max'med Bin Salmaan.

Saturday August 08, 2020 - 16:34:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Mucaarad ah oo dacwad ka gudbiyay Max'med Bin Salmaan.

    inkastoo maamulka daaquuqdka aala sacuud uu wax walba oo xumaan ah usameeyay sidii uu raalligelin lahaa dowladaha reergalbeedka gaar ahaan mareykanka hadane taas kama dhigin in uu aamin ka noqdo cadaadisyada uga imaanaya gaalada ay shurakada ku noqde

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

inkastoo maamulka daaquuqdka aala sacuud uu wax walba oo xumaan ah usameeyay sidii uu raalligelin lahaa dowladaha reergalbeedka gaar ahaan mareykanka hadane taas kama dhigin in uu aamin ka noqdo cadaadisyada uga imaanaya gaalada ay shurakada ku noqdeen ladagaallanka muslimiinta.


Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay walaac ka muujinayso habdhaqanka maamulka Aala sacuud ee ku aaddan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee diidan qaabka uu Max'med bin salmaan wax uwado.

Dowladda mareykanka oo bahwadaag islaam ladirir la ah Aala sacuud ayaa dhaleecaysay isku day din oo Bin salmaan uu ladamacsanaa mas'uul sare oo horay uga tirsanaa dowladda sacuudiga balse markii dambe isku bedelay mucaarad dibad joog ah.



Sacad Aljabri oo horay usoo noqday mas'uul sirdoon iyo wasiiru dowle ayaa maalintii khamiistay maxkamad Federaali ah oo kutaal magaalada Washington ugudbiyay dacwad ka dhan ah Maxmed bin salmaan oo ah xaakimka dhabta ah ee dowladda sacudiga.

Aljabri ayaa saaxiibkiisi hore ee bin salmaan ku eedeeyay in uu maleegay isku day dil oo uu ku khaarijin lahaa sanaddi 2018.

sida ku qoran gal dacwadeedka uu gudbiyay siyaasiga jaajuuska ah ee Sacad Aljabri Max'med bin Salmaan ayaa dalka kanada udiray koox lagu magacaabo alnamar oo nidaamka aala sacuud xukuma uqaabilsan khaarijinta siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Sacad ayaa dacwaddiisa kusoo bandhigay caddeymo waafi ah oo ay kamid yihiin dukumiintiyo,codad iyo muuqaallo dhammaantood dhaxal sugaha sacudiga ku cadaynayo in uu qaaday beegsi isaga ka dhan ah.

Siyaasigan mucaaradka dibad jogga ah wuxuu sheegay in firqada Alnamar lafaray in ay isaga dilaan kadibna ay meydkiisa jarjaraan si lamid ah qaabkii loo dilay jamaal khaashuqji oo ahaa saxafi mucaaradsanaa nidaamka sacuudiga.

Warbaahinta ugu afka dheer dalka mareykanka oo latusiyay nuqullo kamid ah gal dacwadeedka uu gudbiyay sacad aljabri ayaa sheegtay in bin salmaan lagu eedeeyay in uu si gaar ah gacanta ugu hayay kiiskan isku dayga dilka ah oo ka dhici lahaa wadanka canada halkaas oo ay ku suganyihiin qaar badan oo kamid ah mucaaradka aala sacuud.

Related Items