Dagaalyahanno Jihaadi ah oo 22 Askari ku dilay dalka Nigeria.

Saturday August 08, 2020 - 16:42:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalyahanno Jihaadi ah oo 22 Askari ku dilay dalka Nigeria.

    Tobanaan katirsan ciidamada dowladda Nigeria ayaa ku dhintay weerar aad u xooganaa oo dagaalyahanno katirsan Al Qaacidda ay ka fuliyeen Koonfurta wadankaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan katirsan ciidamada dowladda Nigeria ayaa ku dhintay weerar aad u xooganaa oo dagaalyahanno katirsan Al Qaacidda ay ka fuliyeen Koonfurta wadankaas.


Wararka ka imaanaya Nigeria ayaa sheegaya in ugu yaraan 22 askari ay dhinteen tira kalane ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii dagaalyahanno jihaadi ah ay weerar cag marin ah ka fuliyeen saldhig melleyeri oo kuyaal gobolka Kaduna.

Guddoomiyaha gobolka Kaduna ayaa warbaahinta u sheegay in kooxo aad u hubaysan ay laayeen ciidamo katirsan dowladda islamarkaana ay gacanta ku dhigeen saanado hub ah.

Afhayeen uhadlay dowlad goboleedka Kaduna ayaa sheegay in ay bandow kusoo rogeen dhowr tuulo oo ay kamid yihiin Kiiboori iyo Ghamya oo dhammaantood ay weeraro ka geysteen xoogaga jihaadiga ah ee jamaacada Ansaarul Muslimiin Fii Bilaadi Soodaan.


Weerarkan khasaaraha badan dhaliyay waxaa si rasmi ah u sheegatay jamaacada Ansaarul Muslimiin Fii Bilaadu Soodaan oo ku xiran Ururka Al Qaacidda ee Maqribul Islaami.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items