Baarlamaanka oo isku maandhaafay Ansixinta Xeer khilaafsan Shareecada Islaamka.

Saturday August 08, 2020 - 17:08:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka oo isku maandhaafay Ansixinta Xeer khilaafsan Shareecada Islaamka.

    Waxaa fashil kusoo gaba gaboobay kulan ay xildhibaannada baarlamaanka dowlada Federaalka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kaasi oo lagu waday in lagu meelmariyo Ajandayaal murun badan dhaliyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa fashil kusoo gaba gaboobay kulan ay xildhibaannada baarlamaanka dowlada Federaalka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kaasi oo lagu waday in lagu meelmariyo Ajandayaal murun badan dhaliyay.


Boqolaal xildhibaan oo ku sugnaa madashii shirku ka dhacayay ayaa sheegay in ay diideen ka doodidda ajandayaal ay kamid yihiin xeerka jinsiga iyo muddo kororsi ladoonayay in si lama filaan ah loo ansixiyo.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ninka lagu magacaabo Cabdi Wali Muudeey ayaa sheegay in xildhibaannadu diideen meelmarinta xeerka Jinsiga oo ah mid khilaafsan Shareecada Islaamka.


Xeerkan ayaa banaynaya gogol dhaafka zinada ah wuxuu sidoo kale ogolaanayaa in raggu isku sameeyaan ficilladii qowmuluud, xidlhibaanno warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ajandaha Jinsiga lagu hoos qarinayay muddo kororsi 2 sana ah islamarkaana ay labada ajande si isku mid ah udiideen.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa kala dareeray iyagoo isku buuqaya, waxaa jiray xildhibaanno taageersanaa Farmaajo iyo Max'med Mursal oo doonayay in labada Ajande lameel mariyo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items