Taliban oo loosii daayay Maxaabiistii looga qabtay dagaalka Afghanistan.

Sunday August 09, 2020 - 09:29:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo loosii daayay Maxaabiistii looga qabtay dagaalka Afghanistan.

    Maxbuuskii ugu dambeeyay oo katirsanaa ciidamada imaarada islaamiga Afghanistan ayaa lagasii daayay xabsiyada cadowga ee ku kala firirsan daafaha wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxbuuskii ugu dambeeyay oo katirsanaa ciidamada imaarada islaamiga Afghanistan ayaa lagasii daayay xabsiyada cadowga ee ku kala firirsan daafaha wadankaasi.


ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiisha Mareykanka ay shalay Taliban ku wareejiyeen dufacadii ugu dambaysay ee maxaabiista mujaahidiinta kuwaas oo muddo sanada ah ku jilba xirnaa xabsiyada cadowga.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in Taliban ay dhankeeda sii daysay maxaabiis ay ka haysay cadowga jinsidayaha kala duwan leh kuwaas oo isugu jiray askar iyo saraakiil.

Mas'uul uhadlay imaarada islaamiga ah ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in dhankooda loosii daayay maxaabiistii laga hayay balse ay arrintan war rasmi ah kasoo saari doonaan maalmaha soo socda.



Wuxuu sheegay in dhankooda ka go'antahay fulinta heshiiskii Dooxa ee dhigayay in maxaabiista lays waydaarsado balse cadowgu uu bilihii lasoo dhaafay ka caga jiidayay arrinkan illaa markii dambe uu ogolaaday.

dhinaca kale wasiirka difaaca dowladda mareykanka Mark Esber ayaa sheegay in ay bilaabeen labixitaanka qaar kamid ah ciidamadooda ku sugan wadanka Afghanistan.

isagoo wareysi siinayay shabakadda Fox News ayuu sheegay in ay aad udhimi doonaan ciidamadooda ku sugan Afghanistan oo ay gaarsiin doonaan wax ka yar 5000 oo askari inta aan lagaarin bisha November ee soo socota si ay ufuliyaan qodobadii ku qornaa heshiiskii Dooxa oo dhigayay in 14 bilood gudahood ay dhammaan ciidamada Mareykanka uga baxaan Afghanistan.

Related Items