Ciidamo katirsan dowladda oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar ka dhacay Suuqa Xoolaha.

Monday August 10, 2020 - 09:44:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo katirsan dowladda oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar ka dhacay Suuqa Xoolaha.

    Dagaalyahanno katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa markale weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay mid kamida xaafadaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahanno katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa markale weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay mid kamida xaafadaha magaalada Muqdisho.


Weerar xalay fiidkii ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac leh.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari uu ku dhintay weerarka 2 kalane ay dhaawacyo soo gaareen, dagaalyahanada Al Shabaab waxay beegsadeen isku imaatin ay ku sugnaayeen ciidamo boolis ah.

Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa waxaa habeennadii lasoo dhaafay ka dhacayay weeraro habeen dheelmad ah oo lagu beegsanayay goobaha ay ku suganyihiin ciidamada dowladda.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items