Weeraro safballaaran ah oo lagu qaaday saldhigyo ciidan oo kuyaal Jubbooyinka, Gedo iyo Sh/hoose.

Monday August 10, 2020 - 19:29:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro safballaaran ah oo lagu qaaday saldhigyo ciidan oo kuyaal Jubbooyinka, Gedo iyo Sh/hoose.

    Wararka ka imaanaya gobollo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weeraro culus lagu beegsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weeraro culus lagu beegsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda.


Xoogag katirsan Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro safballaaran ah ku qaaday dhowr saldhig oo kuyaal gobollada Jubbada dhexe,Gedo iyo Sh/Hoose.

Wararka laga helayo degmada Galbahaareey ayaa sheegaya in xoogaga Shabaabul Mujaahidiin ay dhowr jiho ka weerareen saldhig ay magaalada uga sugnaayeen maleeshiyaad daacad u ah ciidamada Xabashida Itoobiya.

dhanka gobolka Jubbada hoose laba weerar ayaa maanta lagu beegsaday ciidamo ku sugnaa deegaannada Buula Guduud iyo Yoontooy oo dhammaantood dhaca duleedka waqooyi ee Kismaayo.


Sidoo kale xoogaga Al Shabaab ayaa weeraray sedax saldhig oo ciidamada AMISOM ay uga suganyihiin Sh/hoose, ilo wareedyo ayaa sheegaya in xalay mar qura weeraro lagu ekeeyay saldhigyada ciidamada Uganda ay ku leeyihiin deegaannada Ambareeso iyo Danoow oo hoos yimaad Qoryooleey iyo Baraawe.

Weerar kale oo maanta ka dhacay deegaanka Lambar60 ee duleedka magaalada Marka ayay xoogaga Al Shabaab ugu suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan Mooto ay wateen ciidamo katirsan dowladda balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items