Trump oo lala cararay xilli uu si toos ah shir jaraa'id uqabanayay.

Tuesday August 11, 2020 - 07:39:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo lala cararay xilli uu si toos ah shir jaraa'id uqabanayay.

    Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhaawacmay toogasho xalay ka dhacday gudaha aqalka cad ee dalka Mareykanka looga arrimiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhaawacmay toogasho xalay ka dhacday gudaha aqalka cad ee dalka Mareykanka looga arrimiyo.


Ciidamada sida gaarka ah uqaabilsan ilaalada Trump ayaa hakiyay shir jaraa'id oo uu ku qabanayay hoolka shirarka aqalka cad xilligii ay rasaastu socotay.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay askari Trump ku amraya in uu goobta ka tago xilli uu si toos ah warbaahinta ula hadlayay.

Sarkaalka hoggaamiya ciidamada ilaalada aqalka cad ayaa Trump gacanta ka qabtay wuxuuna geeyay meel ka baxsan halkii ay rasaastu ka dhacaysay.


Madaxweynaha Mareykanka oo daqiiqado kadib kusoo laabtay hoolka shirarka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada booliska ay toogteen ruux hubaysan oo soo galay barxadda aqalka cad islamarkaana isagoo dhaawac ah ladhigay isbitaal kuyaal magaalada Washington.

Toogashadii xalay ka dhacday aqalka cad ayaa khalkhal gelisay muddo kooban Trump iyo kaaliyayaashiisa, ma ahan markii ugu horraysay oo toogasho ay ka dhacdo xarunta looga arrimiyo dalka Mareykanka balse waa markii ugu horraysay oo madaxweyne isagoo si toos ah warbaahinta ula hadlayo lala cararo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items