Wasiirkii difaaca Itoobiya iyo xubno kale oo shaqada laga eryay.

Tuesday August 11, 2020 - 10:35:20 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii difaaca Itoobiya iyo xubno kale oo shaqada laga eryay.

    Khilaafka siyaasadeed ee ka jira wadanka Itoobiya ayaa meel sare waxaana shaqada laga eryay mas'uuliyiin xilal sarsare ka hayay xukuumadda Addis Ababa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka siyaasadeed ee ka jira wadanka Itoobiya ayaa meel sare waxaana shaqada laga eryay mas'uuliyiin xilal sarsare ka hayay xukuumadda Addis Ababa.


War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in la eryay Lemma Megersa oo ahaa wasiika difaaca islamarkaana kamid ahaa mas'uuliyiinta xisbiga talada haya.

Wasiirka difaaca ee la eryay ayay si aad ah isugu dhowaayeen Abiy Axmed, sida lagu sheegay warka kasoo baxay xisbiga talada haya ee PP Lemma Megersa iyo xubno kale oo dhammaantood kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa laga saaray liiska golaha wasiirrada.


Lemma Megersa ayaa lagu tuhmay in uu ku lug lahaa bilaabashada kacdoonka shacbiga ah ee qowmiyadda Oromadu bilaawday bishii lasoo dhaafay kadib markii ladilay fanaan caan ahaa.

Sidoo kale waxaa xisbiga talada haya laga saaray xubno ay kamid yihiin Taiba Hassan iyo Dr. Melqsa Medgha, eryidda mas'uuliyiintan ayaa sii adkaysanaysa khilaafka siyaasadeed ee ka dilaacay Itoobiya tan iyo markii uu Abiy xilka qabtay sanaddii 2017.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items