Xildhibaanad sheegtay in ay si dhuumasho ah ku tagtay Suuqa Bakaaraha Muqdisho.

Tuesday August 11, 2020 - 12:39:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanad sheegtay in ay si dhuumasho ah ku tagtay Suuqa Bakaaraha Muqdisho.

    Xildhibaanno katirsan dowladda Federaalka ayaa si kulul uweeraray siyaasadda uu Farmaajo ku shaqeeyo iyo qorshaha uu wado ee ah in uu waqti kororsi sameeyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanno katirsan dowladda Federaalka ayaa si kulul uweeraray siyaasadda uu Farmaajo ku shaqeeyo iyo qorshaha uu wado ee ah in uu waqti kororsi sameeyo.


Xildhibaanad Sacdiyo Salaad oo kamid ah xildhibaannada sida aadka ah umucaaradsan hanaanka doorashada dowladda ayaa sheegtay in ammaan darrada ka jirta magalada Muqdisho ay tahay tusaale cad oo aan suurtagal ka dhigayn in laqabto doorasho qof iyo cod ah.

Waxay carabaawday in shaqaalaha iyo howlwadeennada DF-ka aysan si xuriyad leh ugu dhax socan karin magaalada Muqdisho islamarkaana qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ay noqdeen kuwa aysan cagta dhigi karin madaxda dowladda


"Shaqaalihii dowladda iyo mas’uuliyiinta ma tagi karaan qeybo ka mid ah Muqdisho, cabsi ay ka qabaan amniga awgeed, aniga waxaa maalin hore tagay Suuqa Bakaaraha anagoo wejiga ii xirnaa, ehelkeygii waa argagaxeen waxay igu dhaheen maxaa halkaan ku keenay, dowlad sidaa aan Bakaaro u tagi karin sidee doorasho qof iyo cod ku qabanee”ayay tiri Xildhibaanad Sacdiyo.

Farmaajo iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xusulduub xooggan ugu jira sidii ay waqti kororsi usameyn lahaayeen, eryiddii Kheyre ayaa salka ku haysay arrimaha doorashooyinka iyo waqti kororsi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items