Dhageyso:Sh. Abuu Cabdallaah Oo Ka Hadlay Qaraxyo Marko Ka Dhacay, Dhibaatooyin Ay Shisheeyuhu Geysteen Iyo Arimo Kale.

Thursday October 30, 2014 - 23:12:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Sh. Abuu Cabdallaah Oo Ka Hadlay Qaraxyo Marko Ka Dhacay, Dhibaatooyin Ay Shisheeyuhu Geysteen Iyo Arimo Kale.

    Waaliga wilayada islaamiga ah ee Sh/hoose Sh/Maxamad Abuu Cabdallah ayaa ka hadlay khasaarihii ka dhashay qaraxyo maanta magaalada Marko lagula eegtay ciidamada shisheeye iyo dhibaatooyin aar goosi ah oo shisheeyuhu u geysteen dadka shacabka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaliga wilayada islaamiga ah ee Sh/hoose Sh/Maxamad Abuu Cabdallah ayaa ka hadlay khasaarihii ka dhashay qaraxyo maanta magaalada Marko lagula eegtay ciidamada shisheeye iyo dhibaatooyin aar goosi ah oo shisheeyuhu u geysteen dadka shacabka ah.

Sheekhu wuxuu sheegay in qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Marko ay mujaahidiintu ku dileen in ka badan toban askari oo ka tirsan shisheeyaha kuwa kalana ku dhaawaceen.

Wuxuu intaa ku daray in shisheeyaha madaafiic u qeybiyeen magaalada kadib markii khasaaraha la gaarsiiyay si ay uga aar goostaan dadka muslimiinta ah ee reer Marko.

Nin madaxda looga jiro ayaa ku dhintay dad kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeynta sida uu sheegay Sheekh Abuu Cabdalla oo intaasi sii raaciyay in dhacdooyinka noocan ah ay muujinayan inaaney shisheeyuhu u kala soocneyn mujaahidiinta iyo dadka shacabka ah, ujeedadooduna tahay iney dilaan qof walba oo muslim ah.



"Dagaalku waa mid ka dhaxeeya masjid iyo kaniisad” ayuu yiri Sheekhu, wuxuuna dadka muslimiinta ah ugu baaqay iney aragti dheer lahaadaan oo aaney maalin walbaahi hal dabin ku dhicin.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay halka uu marayo dagaalka ay kula jiraan ciidamada shisheeye ee gobolka ku sugan, kuwaasoo uu ku tilmaamay iney haatan yihiin dad naf lacari ah oo aan lagu tilmaami Karin ciidan magaalo heysta.

Wuxuu tusaale usoo qaatay in mujaahidiintu ka hawl galaan degmooyinka ay shisheeyuhu joogaan, sidoo kalana ay toos u maamulaan dhamaan tuulooyinka hoos yimaada degmooyinkaasi.

Halkan ka degso Download MP3

Xigasho:Idaacadda Alfurqaan

Related Items